Somali

Somali

La-talin shaqsi ah oo loogu talo galay dadka shaqo la’aanta oo af deenishka ah afkooda labaad

Jobværkstedet waxay bixisaa wada latalin shaqsi ah oo ku baxayso luqad kala duwan. Mid ka mid ah afafku waa af-soomaali. Ujeedada wadadaan waa inuu kugu soo dhoweeyo suuqa shaqada iyo shaqo caadi ah. Wadada latalinta waxay ku saleysan tahay qorshahaada iyo awoodada.

Dadka lagu talagalay
Shaqo la’aanta oo lacagta dagpenge ama ceyrta ah qaata.

Dhalidda
Ujeedada wadadaan latalinta waa in la abuuro natiijooyin waxtar leh oo kugu caawinayso in aad ku dhawaado shaqo.

Sidaa darteed ayaan ku dadaalnaa inaad lahaato:

  • In la sameeyo qorsho ku salaysan qiima gaar kuu ah, rabitaankaada iyo xirfadahaada
  • Samaynta tababar shaqo ama shaqo mushaar lagu kabo
  • Dib u eegista Jobnet CV iyo joblog
  • Waxyaalo cusub oo shaqo raadinta ku isticmaali karto
  • In la sameeyo codsiga shaqooyinka iyo CV
  • La xiriirinta shirkadaha

Nala soo xiriir hadii aad rabti warbixin dheeraad:

info@jobvaerkstedet.dk